- Home
- >
- Baalkii Madoobaa Ee Nolosheyda (Somali Edition)
Baalkii Madoobaa Ee Nolosheyda (Somali Edition)
By Warsame O Shiidley
Wajigiisa ayaa aan ka akhristay in ay su’aashu dhibtay. Gadaal ayaa uu u dhacdiidsaday. Dabadeed awood ayaa i soo gashay, su’aal labaad ayaana iga soo fakan gaartay. Balse waan iska qabtay. Gabar ayaa albaabka nagu soo garaacday. Taasi fursad wayn ayaa ay u ahayd Yaasir. Sidii uu ka fakanayo su’aashaydii ayaa uu durba istaagay. Xaggeedii ayaa uu u degdegay. Sharaab qabow oo ay biyo cadi weheliyaan ayaa uu ka soo qabtay. Miis yar oo hortayda yaallay ayaa uu dul saaray. Dabadeed gabadhii oo albaabka taagan dib ugu noqday. “Waad mahadsantahay abbaayo. Haddii aan wax u baahanno Rooble ayaa aan soo wacayaa” ayuu ku yiri. Wuu ii soo noqday. Dhinacayga ayaa uu soo fariistay. Garabka ayuu garabka ii saaray. Waan la yaabay. Si xooggan ayaan dhan kale isugu buuray. Halkiisii hore in uu fariisanayo ayaa aan hanka ku hayay oo jeclaaday. Hortayda ayaa uu awel ka soo jeeday. Sankayga iyo kiisa ayaa isku qummanaa, imminkase garabkayga midig iyo kiisa bidixe ayaa aan waxba isu jirin. Dhalo kooko ah ayaa uu tiigsaday. Hooyo Kafeeya iyo aabbe Fiidow ma foga. Ma foga xilliga ay ogaan doonaan in aannu is doorannay oo waliba is mehersannay. Isaga oo kookadii qaboobayd bushimaha sii saaraya ayaa uu weerahaa sidii oo uu daacsanayo u yiri. “Balse labadayada duruuf ina kala geyn kartaa ma ay jirto. Wiil iyo gabar is jeclaaday oo uu guur xalaal ahi dhex yaallo ayaa aannu nahay.” Weerahan kalena waxa ay dalqadiisa ka soo baxeen isaga oo gacantiisa xaggayga u soo wada. Waan isa sii kuusay. Shaki weyn ayaa i galay. Yaasir gacmagacmayn kuma ogayn, balse caawa sidii hore ma aha
Shipping calculated at checkout.
SKU: LP-64
About the Book
Wajigiisa ayaa aan ka akhristay in ay su'aashu dhibtay. Gadaal ayaa uu u dhacdiidsaday. Dabadeed awood ayaa i soo gashay, su'aal labaad ayaana iga soo fakan gaartay. Balse waan iska qabtay. Gabar ayaa albaabka nagu soo garaacday. Taasi fursad wayn ayaa ay u ahayd Yaasir. Sidii uu ka fakanayo su'aashaydii ayaa uu durba istaagay. Xaggeedii ayaa uu u degdegay. Sharaab qabow oo ay biyo cadi weheliyaan ayaa uu ka soo qabtay. Miis yar oo hortayda yaallay ayaa uu dul saaray. Dabadeed gabadhii oo albaabka taagan dib ugu noqday. "Waad mahadsantahay abbaayo. Haddii aan wax u baahanno Rooble ayaa aan soo wacayaa" ayuu ku yiri. Wuu ii soo noqday. Dhinacayga ayaa uu soo fariistay. Garabka ayuu garabka ii saaray. Waan la yaabay. Si xooggan ayaan dhan kale isugu buuray. Halkiisii hore in uu fariisanayo ayaa aan hanka ku hayay oo jeclaaday. Hortayda ayaa uu awel ka soo jeeday. Sankayga iyo kiisa ayaa isku qummanaa, imminkase garabkayga midig iyo kiisa bidixe ayaa aan waxba isu jirin. Dhalo kooko ah ayaa uu tiigsaday. Hooyo Kafeeya iyo aabbe Fiidow ma foga. Ma foga xilliga ay ogaan doonaan in aannu is doorannay oo waliba is mehersannay. Isaga oo kookadii qaboobayd bushimaha sii saaraya ayaa uu weerahaa sidii oo uu daacsanayo u yiri. "Balse labadayada duruuf ina kala geyn kartaa ma ay jirto. Wiil iyo gabar is jeclaaday oo uu guur xalaal ahi dhex yaallo ayaa aannu nahay." Weerahan kalena waxa ay dalqadiisa ka soo baxeen isaga oo gacantiisa xaggayga u soo wada. Waan isa sii kuusay. Shaki weyn ayaa i galay. Yaasir gacmagacmayn kuma ogayn, balse caawa sidii hore ma aha
About The Author
ISBN
LP-64
Weight
8.5 oz
Dimensions
5.5 × 0.43 × 8.5 in
Author Name
Warsame O Shiidley
Paperback/Hardcover
Paperback
Publication Date
03/04/2018
Book Language
Somali
Print length
204 pages
0
No reviews yet
Be the first to review this book!
×
Write a Review
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.
Related Books
Scroll to Top

Reviews
There are no reviews yet.