Free Shipping On UK orders over $25

bismilla-e1755384561119
  • Home
  • >
  • Gunaanad (Ummulraac) (Somali Edition)

Gunaanad (Ummulraac) (Somali Edition)

By Cabdulqaadir C Diini

“Lafo-gureyaaasha suugaantu haddii ay murugo iyo maad sheekooyinka u qaybiyaan, tani qaybta murugada ayay ku abtirsataa. Waxay ka mid tahay sheekooyinka nooca haddaad bilawdo aadan awoodi karin inaad joojiso. Waa sheeko dhacday oo qofkii ay la soo gudboonaatey qudhiisu u qalinka u qaatay, dabadeedna inoo soo bandhigay, iyada oo si dhab ah dareenkiisa u xanbaarsan. Bog waliba inaad u gudubto bogga xiga ayuu kugu marti-qaadayaa ilaa saacadaha qaarkood aad ku hurdo-seegto! Sannadkii 2010kii ayaan kansho u helay iyada oo aan daabacnayn inaan akhriyo, runtiina waxaan dareemay ilmada qoraagu inay bog walba ku daadanayso, markaas baan aniguna la ilmeeyey!”- Axmed F. Cali “Idaajaa”Sheekadani waxay akhristaha u soo gudbinaysaa dhacdo dhab ah. Samatar iyo Ilwaad waa lammaane is jecel oo waayuhu kala geeyey, halgan adagna u galay sidii ay maruun qoys u yagleeli lahaayeen. Colaad iyo dagaal aanay fileyn ayaa uga yimid, xidid iyo xigaalaba, kuwii ay tabantaabada iyo hiilka ka dhowrayeen. Geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuuleen sidii ay isu seejin lahaayeen. Waa qiso is rogrogeysa oo kacaa-kufeysa, hadbana dhan kaa soo galeysa, kuna laabkicinaysa. Waxay maraysaa heerar iyo marxalado kala duwan. Mar way ku hiyi kicinaysaa oo dareen ayey kugu abuuraysaa, marna waa kaa caraysiinaysaa oo dagaal ayey ku gelineysaa. Kol inay kaaga ilmaysiiso ayaa la arkaa, marna inay ku farxadgeliso. Mar waxay ku dhadhansiinaysaa macaan aad muudmuudsato, marna kharaar aad isla markiiba soo tufto. Waa dhacdo in wax lagu qaato mudan, dhinacyo bandanna taabaneysa. Waxay si gaar ah wax uga iftiimineysaa sidii ay bulshadeennu ula dhaqmi jirtey lammaane is jecel, gaar ahaan kuwii xaaladdooda dhaqaale iyo midda bulsho aaney isku midka ahayn ee ay kala duwaneyd. Sidii loo arki jirey wiil danyar ah oo hawaysta gabar reerkoodu ladan yahay.

$15.00

Shipping calculated at checkout.
SKU: LP-57
Prefer to shop on Amazon?

About the Book

"Lafo-gureyaaasha suugaantu haddii ay murugo iyo maad sheekooyinka u qaybiyaan, tani qaybta murugada ayay ku abtirsataa. Waxay ka mid tahay sheekooyinka nooca haddaad bilawdo aadan awoodi karin inaad joojiso. Waa sheeko dhacday oo qofkii ay la soo gudboonaatey qudhiisu u qalinka u qaatay, dabadeedna inoo soo bandhigay, iyada oo si dhab ah dareenkiisa u xanbaarsan. Bog waliba inaad u gudubto bogga xiga ayuu kugu marti-qaadayaa ilaa saacadaha qaarkood aad ku hurdo-seegto! Sannadkii 2010kii ayaan kansho u helay iyada oo aan daabacnayn inaan akhriyo, runtiina waxaan dareemay ilmada qoraagu inay bog walba ku daadanayso, markaas baan aniguna la ilmeeyey!"

- Axmed F. Cali "Idaajaa"


Sheekadani waxay akhristaha u soo gudbinaysaa dhacdo dhab ah. Samatar iyo Ilwaad waa lammaane is jecel oo waayuhu kala geeyey, halgan adagna u galay sidii ay maruun qoys u yagleeli lahaayeen. Colaad iyo dagaal aanay fileyn ayaa uga yimid, xidid iyo xigaalaba, kuwii ay tabantaabada iyo hiilka ka dhowrayeen. Geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuuleen sidii ay isu seejin lahaayeen. Waa qiso is rogrogeysa oo kacaa-kufeysa, hadbana dhan kaa soo galeysa, kuna laabkicinaysa. Waxay maraysaa heerar iyo marxalado kala duwan. Mar way ku hiyi kicinaysaa oo dareen ayey kugu abuuraysaa, marna waa kaa caraysiinaysaa oo dagaal ayey ku gelineysaa. Kol inay kaaga ilmaysiiso ayaa la arkaa, marna inay ku farxadgeliso.

Mar waxay ku dhadhansiinaysaa macaan aad muudmuudsato, marna kharaar aad isla markiiba soo tufto. Waa dhacdo in wax lagu qaato mudan, dhinacyo bandanna taabaneysa. Waxay si gaar ah wax uga iftiimineysaa sidii ay bulshadeennu ula dhaqmi jirtey lammaane is jecel, gaar ahaan kuwii xaaladdooda dhaqaale iyo midda bulsho aaney isku midka ahayn ee ay kala duwaneyd. Sidii loo arki jirey wiil danyar ah oo hawaysta gabar reerkoodu ladan yahay.

About The Author

ISBN
LP-57
Weight
11.7 oz
Dimensions
5.5 × 0.58 × 8.5 in
Author Name
Cabdulqaadir C Diini
Paperback/Hardcover
Paperback
Publication Date
02/08/2021
Book Language
Somali
Print length
258 pages
0
No reviews yet

Be the first to review this book!

Related Books

Publications
For Authors
Divisions
Information

Looh Press

Reviving Literature. Preserving Heritage.

Scroll to Top