Free Shipping On UK orders over $25

bismilla-e1755384561119
  • Home
  • >
  • Hanqadh (Somali Edition)

Hanqadh (Somali Edition)

By Maxamed Muxumed Cabdi Haykal

Aniga oo walaalkaa ah oo kula dhashay, kaana da’ weyn oo ixtiraam kaa mudan, waxa aad igu faquuqday ee aad iigu sheegtay wecel aan kula waalid ahayn, waa hal qodob. Waa qodob keli ah oo ka mid ah nolosha baaxadda leh ee si walba loogu kala duwanaan karo. Waa keliya in aan wixii tegay ama hore u dhacay go’aammadii aad ka qaadatay, kuwo ka duwan qaatay.

$9.96

Shipping calculated at checkout.
SKU: LP-77
Prefer to shop on Amazon?

About the Book

“Aniga oo walaalkaa ah oo kula dhashay, kaana da’ weyn oo ixtiraam kaa mudan, waxa aad igu faquuqday ee aad iigu sheegtay wecel aan kula waalid ahayn, waa hal qodob. Waa qodob keli ah oo ka mid ah nolosha baaxadda leh ee si walba loogu kala duwanaan karo. Waa keliya in aan wixii tegay ama hore u dhacay go’aammadii aad ka qaadatay, kuwo ka duwan qaatay. Waa keliya in aan cafiska iyo ka-samridda wixii tegay u qaatay hub lagula dagaallamo nacaybka, xaqiraadda iyo cuqdadda. In aad aragtidaada wax ku diiddo ama ku yeeshaa, waa xaq aad leedahay. Laakiin, xaqaaga hilinmarkiisu ma bannaynayo duudsigayga.” Waxa uu kula garnaqsaday walaalkii.

Haybe, ayaa isaga oo siddeed jir ah, reerkooda ka lumay. Degaan colaadeed ayaa uu ku dhex ambaday. Maalintii uu ambaday, gurmadkii raadcaynayay, waxa ka mid ahaa aabbihii Hurre Meydal iyo hooyadii Ugaaso Gobdoon. Isla maalintaa, habeenkeedii, waxa da’ay roob dabaylo iyo danabyo hanqadhaya wata, waxana reerka ka dhex dhacay dilkii u horeeyey ee noociisa ah.

Haybe ma uu amban oo keli ah, balse waxa uu firxad ugu galay beel ay dagaallo dhex mareen reerka uu ka dhashay. Waxa kulmay dabka reerkiisii ka dhex shidmay, iyo cadaabta uu haatan dhex tegay. Haybe iyo tafeenihiisa yaryari, maalintaas ayay naxariis kala dhaaranayaan. Waa in uu barto in aanay "ax"-du xanuun ka celin karin, in "may"-du aanay amar ka baajin karin iyo in dhagartu nolosha ka mid tahay, si uu uga gudbo siddeedda sanno ee soo socda. Balse ma ka gudbi karaa? Reerkiisii se ma ka daali doonaan colaadda iyo gumaadka dhexdooda ah, oo inankoodii ma raadin doonaan? Shifo ku af saar!

About The Author

test

ISBN
LP-77
Weight
7.4 oz
Dimensions
5.06 × 0.44 × 7.81 in
Author Name
Maxamed Muxumed Cabdi Haykal
Paperback/Hardcover
Paperback
Publication Date
13/06/2017
Book Language
Somali
Print length
208 pages
5
Based on 4 reviews
☆☆☆☆☆
Feb 14, 2026
asdas
hasnainayaz.com
★★★★★
Feb 14, 2026
asd
hasnainayaz.com

Related Books

Scroll to Top