Free Shipping On UK orders over $25

bismilla-e1755384561119
  • Home
  • >
  • Ismaaciil Mire: Gabyaagii Halgamaaga Ahaa (1856-1952) (Somali Edition)

Ismaaciil Mire: Gabyaagii Halgamaaga Ahaa (1856-1952) (Somali Edition)

By Axmed F. Cali Idaajaa

Ismaaciil Mire Cilmi geesinnimo ayuu ku sheegganaa, gabay quluud leh waa lagu yiqiin, markii looga baahdana talo fiican ayaa looga baxsan jirey. Taariikhda Daraawiisheed, in yarba ha ahaatee, qofkii wax ka yaqaani Ismaaciil Mire wuu garanayaa, kamana dahsoona kaalintii weyneyd ee uu kaga jirey dagaalkii dheeraa ee dhex-maray Daraawiish oo dhinac ah iyo Ingiriis iyo gaashaan-buurtiisii intii u dhexaysey 1899-1920kii.Tan oo ah daabacaaddii labaad, waxaa baalasha buuggaan ku uruursan boqol-iyo-dheeraad maanso oo qaar dheerdheer yihiin, qaar kalena gaaggaaban yihiin oo ay u badan tahay in la kala illoobey oo, iyaga oo dhan, aysan waayaha iyo weriyeyaashu nagu soo simin. Maansooyinka Ismaaciil waxay ku tirsan yihiin saddexdii hab ee raggii hore ay curinta maansada u adeegsan jireen; kuwaas oo kala ah gabayga, geeraarka iyo jiiftada (masafada). In kastoo aan la sheegi karin gabayada mid walba sannadkii ama goortii la tiriyey, haddana waxaan u kala hor-mariyey dhacdooyinka uu gabyaagu midba ku soo qaaday siday u kala horreeyeen, aniga oo taariikhda dunida iyo midda degaankaba miciinsanaaya.

Shipping calculated at checkout.
SKU: LP-59
Prefer to shop on Amazon?

About the Book

Ismaaciil Mire Cilmi geesinnimo ayuu ku sheegganaa, gabay quluud leh waa lagu yiqiin, markii looga baahdana talo fiican ayaa looga baxsan jirey. Taariikhda Daraawiisheed, in yarba ha ahaatee, qofkii wax ka yaqaani Ismaaciil Mire wuu garanayaa, kamana dahsoona kaalintii weyneyd ee uu kaga jirey dagaalkii dheeraa ee dhex-maray Daraawiish oo dhinac ah iyo Ingiriis iyo gaashaan-buurtiisii intii u dhexaysey 1899-1920kii.

Tan oo ah daabacaaddii labaad, waxaa baalasha buuggaan ku uruursan boqol-iyo-dheeraad maanso oo qaar dheerdheer yihiin, qaar kalena gaaggaaban yihiin oo ay u badan tahay in la kala illoobey oo, iyaga oo dhan, aysan waayaha iyo weriyeyaashu nagu soo simin.

Maansooyinka Ismaaciil waxay ku tirsan yihiin saddexdii hab ee raggii hore ay curinta maansada u adeegsan jireen; kuwaas oo kala ah gabayga, geeraarka iyo jiiftada (masafada). In kastoo aan la sheegi karin gabayada mid walba sannadkii ama goortii la tiriyey, haddana waxaan u kala hor-mariyey dhacdooyinka uu gabyaagu midba ku soo qaaday siday u kala horreeyeen, aniga oo taariikhda dunida iyo midda degaankaba miciinsanaaya.

About The Author

ISBN
LP-59
Weight
8.5 oz
Dimensions
5.5 × 0.43 × 8.5 in
Author Name
Axmed F. Cali Idaajaa
Paperback/Hardcover
Paperback
Publication Date
29/02/2020
Book Language
Somali
Print length
186 pages
0
No reviews yet

Be the first to review this book!

Related Books

Publications
For Authors
Divisions
Information

Looh Press

Reviving Literature. Preserving Heritage.

Scroll to Top