Free Shipping On UK orders over $25

bismilla-e1755384561119
  • Home
  • >
  • Farriin: Ku Hablaha Muuminiinta (Somali Edition)

Farriin: Ku Hablaha Muuminiinta (Somali Edition)

By Maxammed Gaanni

Waxaan uga jeedaa gabadha Ilaahay rumaysan, tan yaqiinsan jiritaanka Ilaaha keli ah ee aanay cidina asaga iyo sifooyinkiisa waxba la wadaagin, rumaysanna in kaligi uu yahay kan waxtara ee aanay jirin cid kale oo waxtarta, iyo in uu yahay kan wax dhiba haddii uu doono ee aanay cid kalanan wax dhibi karin. [Rumaysan] dadka oo dhan in ay xaggiisa u laabanayaan maalinta qiyaamaha ee shakigu uusan ku jirin, daahana uu ka qaadi doono wax kasta oo dahsoonaa ee asturnaa iyo xaqiiqo walba oo qarsoonayd. Waa maalinta shallayto iyo qoommamo ay haysato qofkii ku kadsoomay adduunyada, ku xadgudbay amarrada Ilaahay, waana maalinta farxadda iyo raynraynta uu ku jiro qofkii adduunka u fahmay sida dhabta ah ee uu yahay, ka na dhigtay kaalmo uu ku helo Ilaahay raalligelintiisa.Waxba ku ma jabna in aanan u la jeedin tan Ilaahay maqashay ee aan waxbana ka fahmin, erayga ‘iimanna’ dhaxashay asaga oo ah halhays carrabka saaran, waxa uu xambaarsan yahayna aan hubsan jeer uu noqdo caqiido qalbigeeda ku jirta. Waxaa laga yaabaa in magaca Ilaahay uu carrabkeeda ku soo noqnoqdo labaatan jeer maalinkii, laakiin aanay hal marna bishii ama sannadkii ku baraarugayn awooddiisa weyn. Haddii la xusuusiyo ama ay ku fakartana ka ma ay taqaan wax ka badan sida ay dhahaanba, in uu yahay xaqiiqo weyn oo qarsoon, sida Ether[1]-ka aysan ka aqoon wax ka badan in uu yahay sir qarsoon oo ka mid ah siraha koonka. Haddii etherka ay rumasan tahay uu agaasin ku leeyahay habdhaqankeeda iyo qaabka nolosheeda, rumaysnaanteeda Ilaahayna awooddaa oo kale bay ku yeelan lahayd. Iimaankaan oo kale lama yiraahdo iimaan, in looga jeedo u ekaysiin iyo maldahid mooyaane. Iimaankaan oo kale qalbiga ma dhaxalsiiyo wax Alle ka cabsi ah, qofkiisana meelna u ma uu dhigo, waxna ku ma uu laha toosinta wax uun ka mid ah qaab nololeedka iyo habdhaqanka. Iimaankaan raqiiska ah waxa uu si badan ugu firirsan yahay bulshooyin ku nool Yurub iyo daafaha Maraykanka, waxaana uu kuu muuqanaya asaga oo barbar socda wax walba oo bulshadaas la karkarayso ee leh: fasahaadka anshaxa, cabbursanida nafeed iyo ku maashoobidda aan kalareebka lahayn ee sakhradda nolosha maaddiga ah ee qalloocan.Anigu se, waxaan warkayga uu buuggaani xambaarsan yahay u la jeedaa gabar walba oo Ilaahay rumaysan, iimaan ayadu ay si xor ah u dooratay, ka dhashay raalli ahaanta qalbigeeda iyo dareenkeeda nafeed, waxaana hubaa in bulshadeenna ay buuxdhaafiyeen hablo iimaankaan oo kale leh. Waxaan u jeedsanayaa gabar walba oo gunta qalbigeeda ka rumaysan Ilaahay, si aan ugu dhaho: Jiritaankeenna noloshaan waa dhab, dhabtana waa ay ka sii halis badan tahay! Haddaba, sawirashada cawaaqibkeedu yaanay kaa daahin nooc walba oo jaadadka soojiidashadeeda ka mid ah, liidashadeeduna yaanay ku hilmaansiin farabadnida kuwa baacsanaya. Ha illaawin in ay dadku xagga Ilaahay ugu ambabaxayaan saacad imtixaan ah ayaga oo og ama warmoog ah, waxaana la ga yaabaa in ay saacaddaasi dheeraato ama ay gaabato, laakiin se mar walba ka badan mayso saacad jirrab ah. Mar haddii ka tallaabidda saacaddaa imtixaanka ah ay tahay qaddar si siman uga dhexeeya rag iyo dumarba, waxay haweenaydu ka ga duwan tahay ninka qaadista culays kale oo adduunka inta la joogo aad khatar u ah, aakhirana raad weyn ku yeesha!..

$9.00

Shipping calculated at checkout.
SKU: LP-26
Prefer to shop on Amazon?

About the Book

Waxaan uga jeedaa gabadha Ilaahay rumaysan, tan yaqiinsan jiritaanka Ilaaha keli ah ee aanay cidina asaga iyo sifooyinkiisa waxba la wadaagin, rumaysanna in kaligi uu yahay kan waxtara ee aanay jirin cid kale oo waxtarta, iyo in uu yahay kan wax dhiba haddii uu doono ee aanay cid kalanan wax dhibi karin. [Rumaysan] dadka oo dhan in ay xaggiisa u laabanayaan maalinta qiyaamaha ee shakigu uusan ku jirin, daahana uu ka qaadi doono wax kasta oo dahsoonaa ee asturnaa iyo xaqiiqo walba oo qarsoonayd. Waa maalinta shallayto iyo qoommamo ay haysato qofkii ku kadsoomay adduunyada, ku xadgudbay amarrada Ilaahay, waana maalinta farxadda iyo raynraynta uu ku jiro qofkii adduunka u fahmay sida dhabta ah ee uu yahay, ka na dhigtay kaalmo uu ku helo Ilaahay raalligelintiisa.Waxba ku ma jabna in aanan u la jeedin tan Ilaahay maqashay ee aan waxbana ka fahmin, erayga 'iimanna' dhaxashay asaga oo ah halhays carrabka saaran, waxa uu xambaarsan yahayna aan hubsan jeer uu noqdo caqiido qalbigeeda ku jirta. Waxaa laga yaabaa in magaca Ilaahay uu carrabkeeda ku soo noqnoqdo labaatan jeer maalinkii, laakiin aanay hal marna bishii ama sannadkii ku baraarugayn awooddiisa weyn. Haddii la xusuusiyo ama ay ku fakartana ka ma ay taqaan wax ka badan sida ay dhahaanba, in uu yahay xaqiiqo weyn oo qarsoon, sida Ether[1]-ka aysan ka aqoon wax ka badan in uu yahay sir qarsoon oo ka mid ah siraha koonka. Haddii etherka ay rumasan tahay uu agaasin ku leeyahay habdhaqankeeda iyo qaabka nolosheeda, rumaysnaanteeda Ilaahayna awooddaa oo kale bay ku yeelan lahayd. Iimaankaan oo kale lama yiraahdo iimaan, in looga jeedo u ekaysiin iyo maldahid mooyaane. Iimaankaan oo kale qalbiga ma dhaxalsiiyo wax Alle ka cabsi ah, qofkiisana meelna u ma uu dhigo, waxna ku ma uu laha toosinta wax uun ka mid ah qaab nololeedka iyo habdhaqanka. Iimaankaan raqiiska ah waxa uu si badan ugu firirsan yahay bulshooyin ku nool Yurub iyo daafaha Maraykanka, waxaana uu kuu muuqanaya asaga oo barbar socda wax walba oo bulshadaas la karkarayso ee leh: fasahaadka anshaxa, cabbursanida nafeed iyo ku maashoobidda aan kalareebka lahayn ee sakhradda nolosha maaddiga ah ee qalloocan.Anigu se, waxaan warkayga uu buuggaani xambaarsan yahay u la jeedaa gabar walba oo Ilaahay rumaysan, iimaan ayadu ay si xor ah u dooratay, ka dhashay raalli ahaanta qalbigeeda iyo dareenkeeda nafeed, waxaana hubaa in bulshadeenna ay buuxdhaafiyeen hablo iimaankaan oo kale leh. Waxaan u jeedsanayaa gabar walba oo gunta qalbigeeda ka rumaysan Ilaahay, si aan ugu dhaho: Jiritaankeenna noloshaan waa dhab, dhabtana waa ay ka sii halis badan tahay! Haddaba, sawirashada cawaaqibkeedu yaanay kaa daahin nooc walba oo jaadadka soojiidashadeeda ka mid ah, liidashadeeduna yaanay ku hilmaansiin farabadnida kuwa baacsanaya. Ha illaawin in ay dadku xagga Ilaahay ugu ambabaxayaan saacad imtixaan ah ayaga oo og ama warmoog ah, waxaana la ga yaabaa in ay saacaddaasi dheeraato ama ay gaabato, laakiin se mar walba ka badan mayso saacad jirrab ah. Mar haddii ka tallaabidda saacaddaa imtixaanka ah ay tahay qaddar si siman uga dhexeeya rag iyo dumarba, waxay haweenaydu ka ga duwan tahay ninka qaadista culays kale oo adduunka inta la joogo aad khatar u ah, aakhirana raad weyn ku yeesha!..

About The Author

Customer Reviews, including Product Star Ratings help customers to learn more about the product and decide whether it is the right product for them.

To calculate the overall star rating and percentage breakdown by star, we don’t use a simple average. Instead, our system considers things like how recent a review is and if the reviewer bought the item on Amazon. It also analyzed reviews to verify trustworthiness.

Learn more how customers reviews work on Amazon

ISBN
LP-26
Weight
4.2 oz
Dimensions
4 × 0.34 × 7 in
Author Name
Maxammed Gaanni
Paperback/Hardcover
Paperback
Publication Date
01/07/2024
Book Language
Somali
Print length
148 pages
0
No reviews yet

Be the first to review this book!

Related Books

Publications
For Authors
Divisions
Information

Looh Press

Reviving Literature. Preserving Heritage.

Scroll to Top