Free Shipping On UK orders over $25

bismilla-e1755384561119
  • Home
  • >
  • Qoristii Farta iyo Fidinteedii

Qoristii Farta iyo Fidinteedii

By Cabdiraxmaan M Abtidoon

AFKA SOOMAALIGU muddo dheer ma lahayn far qoran oo mideysan, taasi waxay sababtay in taariikh badan, suugaan iyo aqoon qiimo leh ay lumaan ama si adag ku kaydsanaadaan. Qarnigii siddeed iyo tobnaad ayaa culimadii Soomaaliyeed bilaabeen dadaal xooggan oo lagu doonayey in afka loo helo hab qoraal rasmi ah. Isku dayadii ugu horreeyay waxay badankood ku salaysnaayeen farta Carabiga, maadaama ay ahayd far ay culimadu si wanaagsan u yaqaannaan oo ku qornayd Qur’aanka iyo culuumta Islaamka.Sheekh Ibraahim Cabdalla Mayal iyo ardaygiisii Maxamed Cabdi Makaahiil ayaa kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee isku dayay in ay afka ku qoraan xuruuf Carabi ah, taas oo horseeday in buugag yar oo maahmaahyo iyo gabayo ahi soo baxaan horraantii qarnigii 20aad. Sidoo kale culimo waaweyn sida Sheekh Aweys Al-Barawi iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa gabayadoodii iyo qasiidadoodii ku qoray farta Carabiga. Hase yeeshee, isku dayadani mar walba way kala duwanaayeen, mana jirin hal nidaam oo mideysan oo bulshada oo dhan qaadato. Dadaalkaasi wuxuu ahaa bilow muhiim ah oo muujinaya baraarugga Soomaalida iyo rabitaankooda ah in afkoodu yeesho qoraal rasmi ah. Inkasta oo farahaasi carbeed ay ahaayeen kuwo la isku dayo, haddana waxay abuureen saldhig cilmiyeed iyo rajo ah in afka la qori karo, laguna keydin karo aqoonta iyo dhaqanka. Waxaa la odhan karaa isku dayadaasi waxay dhidib u aas u noqdeen dadaalladii dambe ee keenay in la abuuro faro kale sida Far Cismaaniya, Far Kaddare, iyo ugu dambayn Farta Laatiinka ee la hirgeliyey 1972. Bilowgii qoraalka Soomaaliga sidaas ayuu ahaa, safar dheer oo aqoonyahanno badan iyo culimo Soomaaliyeed ay ku hureen dadaal iyo waqti, si afka Soomaaliyeed u yeesho astaan qoran oo taariikhda iyo aqoonta lagu xafido. Markii fartii la qoray waxaa loo gudbay xirgelinteedii, taasoo markii hore dugsiyadii waxbarasho ee dalka lagu soo rogay in Soomaali wax lagu barto, waxaana xigay ololayaal waaweyn oo ka bilowday magaalooyinka oo ciidamadii iyo shaqaalihii dawladda lagu barayey. Sannadihii 1974 iyo 75kii waxaa dalka ka qabsoomay ololihii ugu weynaa abid ee dalka laga hirgeliyo. Farta Soomaaligu sidaa ayey muddo aad u kooban waxay ku noqtay mid hana qaadda meel sarana gaarta. Buuggan wuxuu akhristaha marsiinayaa una dul marayaa safar dheer oo qaatay boqol sano, guulna ku dhamaaday. Buuggu wuxuu waxtar weyn u leeyahay ciddii dooneysa in ay cilmibaaris ku sameyso qoraalka farta Soomaaliga xilliyadii uu soo maray iyo guud ahaan qof walba oo doonaya in ay wax ka ogaadaan.

$25.00

Shipping calculated at checkout.
SKU: LP-6
Prefer to shop on Amazon?

About the Book

AFKA SOOMAALIGU muddo dheer ma lahayn far qoran oo mideysan, taasi waxay sababtay in taariikh badan, suugaan iyo aqoon qiimo leh ay lumaan ama si adag ku kaydsanaadaan. Qarnigii siddeed iyo tobnaad ayaa culimadii Soomaaliyeed bilaabeen dadaal xooggan oo lagu doonayey in afka loo helo hab qoraal rasmi ah. Isku dayadii ugu horreeyay waxay badankood ku salaysnaayeen farta Carabiga, maadaama ay ahayd far ay culimadu si wanaagsan u yaqaannaan oo ku qornayd Qur'aanka iyo culuumta Islaamka.

Sheekh Ibraahim Cabdalla Mayal iyo ardaygiisii Maxamed Cabdi Makaahiil ayaa kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee isku dayay in ay afka ku qoraan xuruuf Carabi ah, taas oo horseeday in buugag yar oo maahmaahyo iyo gabayo ahi soo baxaan horraantii qarnigii 20aad. Sidoo kale culimo waaweyn sida Sheekh Aweys Al-Barawi iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa gabayadoodii iyo qasiidadoodii ku qoray farta Carabiga. Hase yeeshee, isku dayadani mar walba way kala duwanaayeen, mana jirin hal nidaam oo mideysan oo bulshada oo dhan qaadato.

Dadaalkaasi wuxuu ahaa bilow muhiim ah oo muujinaya baraarugga Soomaalida iyo rabitaankooda ah in afkoodu yeesho qoraal rasmi ah. Inkasta oo farahaasi carbeed ay ahaayeen kuwo la isku dayo, haddana waxay abuureen saldhig cilmiyeed iyo rajo ah in afka la qori karo, laguna keydin karo aqoonta iyo dhaqanka. Waxaa la odhan karaa isku dayadaasi waxay dhidib u aas u noqdeen dadaalladii dambe ee keenay in la abuuro faro kale sida Far Cismaaniya, Far Kaddare, iyo ugu dambayn Farta Laatiinka ee la hirgeliyey 1972.

Bilowgii qoraalka Soomaaliga sidaas ayuu ahaa, safar dheer oo aqoonyahanno badan iyo culimo Soomaaliyeed ay ku hureen dadaal iyo waqti, si afka Soomaaliyeed u yeesho astaan qoran oo taariikhda iyo aqoonta lagu xafido. Markii fartii la qoray waxaa loo gudbay xirgelinteedii, taasoo markii hore dugsiyadii waxbarasho ee dalka lagu soo rogay in Soomaali wax lagu barto, waxaana xigay ololayaal waaweyn oo ka bilowday magaalooyinka oo ciidamadii iyo shaqaalihii dawladda lagu barayey. Sannadihii 1974 iyo 75kii waxaa dalka ka qabsoomay ololihii ugu weynaa abid ee dalka laga hirgeliyo. Farta Soomaaligu sidaa ayey muddo aad u kooban waxay ku noqtay mid hana qaadda meel sarana gaarta.

Buuggan wuxuu akhristaha marsiinayaa una dul marayaa safar dheer oo qaatay boqol sano, guulna ku dhamaaday. Buuggu wuxuu waxtar weyn u leeyahay ciddii dooneysa in ay cilmibaaris ku sameyso qoraalka farta Soomaaliga xilliyadii uu soo maray iyo guud ahaan qof walba oo doonaya in ay wax ka ogaadaan.

About The Author

Customer Reviews, including Product Star Ratings help customers to learn more about the product and decide whether it is the right product for them.

To calculate the overall star rating and percentage breakdown by star, we don’t use a simple average. Instead, our system considers things like how recent a review is and if the reviewer bought the item on Amazon. It also analyzed reviews to verify trustworthiness.

Learn more how customers reviews work on Amazon

ISBN
LP-6
Weight
13.8 oz
Dimensions
6 × 0.44 × 9 in
Author Name
Cabdiraxmaan M Abtidoon
Paperback/Hardcover
Hardcover
Publication Date
18/08/2025
Book Language
Somali
Print length
164 pages
0
No reviews yet

Be the first to review this book!

Related Books

Publications
For Authors
Divisions
Information

Looh Press

Reviving Literature. Preserving Heritage.

Scroll to Top