Free Shipping On UK orders over $25

bismilla-e1755384561119
  • Home
  • >
  • Hawaale Warran: Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi (Somali Edition)

Hawaale Warran: Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi (Somali Edition)

By Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi

“Haddii hayaankii hore ee Hadraawi ku xidhmay tixdiisii Gudgude, buuggani fikir, han iyo hiyiba, waxa uu soo gebagebaynayaa hayaankiisa labaad ee ay tixdiisa Dabahuwan ballaynsintay. Waa adduun-araggii Hadraawi ee ka biyadiiday horumarka adduunka casrigan ee ay hormoodka ka yahiin dawladaha reer galbeed. Intiisa badan, aragtida buuggu weelaynayaa waxa ay ka soo fufaysaa ruuxa maansayahanka iyo fantasiyaha male’awaalkiisa ee dul lalaya waaqica jiraalka ah ee ka baxsan asaga iyo deexashooyinkiisa. Waa maansayahankii Maxamed Ibraahim Warsame oo tiraab dareersan ku soo gudbinaya waxa duunkiisu jecel yahay iyo waxa uu naceb yahay. Waxa ku wada jira si-arag iyo baaq qurxinaya bulshadii xooladhaqatada reerguuraaga Soomaalida iyo dhaqankeedii oo uu samo iyo wanaag u dhammaynayo.” Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Rashiid-Gadhweyne””Hadraawi haddii hore looga bartay in uu falsafaddiisa iyo fekerkiisa xuma-diidka ah noogu soo tebiyo tix loo wada qushuuco, maanta wuxuu noogu soo tebinayaa tiraab xambaarsan isla aragtidiisii falsafadeed iyo iftiimintiisii samataliska ahayd; adduun-araggiisii ku salaysnaa ku dhaadashada dhaqan-ummadeedkeennii hore iyo dhuuxa qiyamka Islaamiga ah. Sida caadada u ah halabuurka hormuudka ah, Hadraawi buuggan wuxuu diiradda ku saarayaa, digniin kululna ka bixinayaa xuma-falka iyo dhaliilaha maanta jira, xag dhaqan, xag bulsho iyo siyaasadeedba. HAWAALE WARRAN, waa buug akhristaha siinaya cashar nolosha haga, fartana ugu fiiqaya wax badan oo qaldan; qaladaad haddaan la sixin laga qoomamayn doono goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.” Dr. Maxamed Daahir Afrax, PhD.”Hadraawi waxa aannu saaxiibbo ahayn muddo afartan sanno ah, muddadaas kahorna, maansadiisa waan la socday. Waxa uu ka mid yahay, haddii aanu ugu baar fiiqnayn, dhawrkii maansayahan ee ugu waaweynaa ee geyiga Soomaalida soo maray. Waa geesi, deeqsi, waddani iyo indheergarad mu’min ah oo gobannimo badan. Waa nin ka hufan dhaqannada musuqa iyo dulmiga.

$19.99

Shipping calculated at checkout.
SKU: LP-54
Prefer to shop on Amazon?

About the Book

"Haddii hayaankii hore ee Hadraawi ku xidhmay tixdiisii Gudgude, buuggani fikir, han iyo hiyiba, waxa uu soo gebagebaynayaa hayaankiisa labaad ee ay tixdiisa Dabahuwan ballaynsintay. Waa adduun-araggii Hadraawi ee ka biyadiiday horumarka adduunka casrigan ee ay hormoodka ka yahiin dawladaha reer galbeed. Intiisa badan, aragtida buuggu weelaynayaa waxa ay ka soo fufaysaa ruuxa maansayahanka iyo fantasiyaha male'awaalkiisa ee dul lalaya waaqica jiraalka ah ee ka baxsan asaga iyo deexashooyinkiisa. Waa maansayahankii Maxamed Ibraahim Warsame oo tiraab dareersan ku soo gudbinaya waxa duunkiisu jecel yahay iyo waxa uu naceb yahay. Waxa ku wada jira si-arag iyo baaq qurxinaya bulshadii xooladhaqatada reerguuraaga Soomaalida iyo dhaqankeedii oo uu samo iyo wanaag u dhammaynayo." Rashiid Sheekh Cabdillaahi "Rashiid-Gadhweyne"

"Hadraawi haddii hore looga bartay in uu falsafaddiisa iyo fekerkiisa xuma-diidka ah noogu soo tebiyo tix loo wada qushuuco, maanta wuxuu noogu soo tebinayaa tiraab xambaarsan isla aragtidiisii falsafadeed iyo iftiimintiisii samataliska ahayd; adduun-araggiisii ku salaysnaa ku dhaadashada dhaqan-ummadeedkeennii hore iyo dhuuxa qiyamka Islaamiga ah. Sida caadada u ah halabuurka hormuudka ah, Hadraawi buuggan wuxuu diiradda ku saarayaa, digniin kululna ka bixinayaa xuma-falka iyo dhaliilaha maanta jira, xag dhaqan, xag bulsho iyo siyaasadeedba. HAWAALE WARRAN, waa buug akhristaha siinaya cashar nolosha haga, fartana ugu fiiqaya wax badan oo qaldan; qaladaad haddaan la sixin laga qoomamayn doono goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen." Dr. Maxamed Daahir Afrax, PhD.

"Hadraawi waxa aannu saaxiibbo ahayn muddo afartan sanno ah, muddadaas kahorna, maansadiisa waan la socday. Waxa uu ka mid yahay, haddii aanu ugu baar fiiqnayn, dhawrkii maansayahan ee ugu waaweynaa ee geyiga Soomaalida soo maray. Waa geesi, deeqsi, waddani iyo indheergarad mu'min ah oo gobannimo badan. Waa nin ka hufan dhaqannada musuqa iyo dulmiga.

About The Author

ISBN
LP-54
Weight
14.4 oz
Dimensions
6.69 × 0.51 × 9.61 in
Author Name
Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi
Paperback/Hardcover
Paperback
Publication Date
20/10/2021
Book Language
Somali
0
No reviews yet

Be the first to review this book!

Related Books

Publications
For Authors
Divisions
Information

Looh Press

Reviving Literature. Preserving Heritage.

Scroll to Top