Free Shipping On UK orders over $25

bismilla-e1755384561119
  • Home
  • >
  • Aqaldoog – Greenhouse

Aqaldoog – Greenhouse

By Ciise Xaaji-Xuseen Axmed

AQALDOOG (GREENHOUSE) Mushruucaan aqaldooga wuxuu kaa caawinayaa in aadan noqon shaqaale u shaqo taga shaqsi kale oo aadan kobcin shaqsigaas ganacsigiisa uun balse aad adigu noqon doonto loo-shaqeeye la kobciyo ganasigiisa. Mashruucaan wuxuu kuu abuurayaa hanti raasumaal ah oo kuu shaqeysa, cidna kuu qaban meyso saacad iyo waqti aad ku soo shaqo gasho balse adiga ayaa maamulanaya waqtigaaga, hantidaada iyo noloshaada guud. Waxaad noqon doontaa shaqsi bulshadda kaga jira meel wanaagsan oo waxsoosaar leh bulshadda deegaankaaguna wey kugu xisaatami doonaan, mid ku la ganacsadda oo kaa iibsada waxsoosarkaaga iyo mid kuu soo shaqo tagaba. Waxaan hubaa qofkii ku dhiirradda oo ka dhabeeya hirgelinta mashruucaan beeraha aqaldooggu in uu ku guuleysan doono noloshiisa. Haddaba, si loo la jaanqaado dunida casriga ee habka waxbeerasho, waxaa muhiim ah in la dhuuxo micnaha uu xambaarsanyahay buuggan qiimaha iyo qaayaha leh, laguna camal falo oo laga dhigto marjac ama habraac marka la fulinayo howl kasta oo ku sabsaan beerashada aqaldoogga, hadday ahaan lahayd qalabkiisa, dhismihiisa, dayactirka, habka ka hortagga cayayaanka iyo cudurrada, hababka waraabka ee kala duwan iyo waxsoosaarka guudba.Waxaan u rejaynayaa akhristaha buuggan in Rabbi kuu fududeeyo howshaan kuguna guuleeyo. CIISE XAAJI-XUSEEN AXMED waxuu ku barbaaray gobolka Banaadir halkaas oo uu kusoo qaatey waxbarashadii hoose/dhexe, ka dibna dalka dibaddiisa kasii ambaqaaday kuna qaatey aqoon kororsi. Qoraagu waa xeeldheere wax ka bartey beeraha iyo mowduucaan Aqaldoogga. Wuxuu muddo dheer ka soo shaqeeyey wadammada Talyaaniga iyo Iswiidhan. Waa xeeldheere waayo-aragnimo u leh aqaldoogga iyo sida wax loogu beero. Ciise waxuu go’aansadey in uu umadda Soomaaliyeed uga faa’iideeyo aqoontiisa ku saabsan aqaldoogga si uga shaqeystaan una qoray buugga “Aqaldoog-Greenhouse (Looh Press, 2025). Ciise hadda wuxuu degan yahay Iswiidhan.

$15.00

Shipping calculated at checkout.
SKU: LP-3
Prefer to shop on Amazon?

About the Book

AQALDOOG (GREENHOUSE) Mushruucaan aqaldooga wuxuu kaa caawinayaa in aadan noqon shaqaale u shaqo taga shaqsi kale oo aadan kobcin shaqsigaas ganacsigiisa uun balse aad adigu noqon doonto loo-shaqeeye la kobciyo ganasigiisa. Mashruucaan wuxuu kuu abuurayaa hanti raasumaal ah oo kuu shaqeysa, cidna kuu qaban meyso saacad iyo waqti aad ku soo shaqo gasho balse adiga ayaa maamulanaya waqtigaaga, hantidaada iyo noloshaada guud. Waxaad noqon doontaa shaqsi bulshadda kaga jira meel wanaagsan oo waxsoosaar leh bulshadda deegaankaaguna wey kugu xisaatami doonaan, mid ku la ganacsadda oo kaa iibsada waxsoosarkaaga iyo mid kuu soo shaqo tagaba.

Waxaan hubaa qofkii ku dhiirradda oo ka dhabeeya hirgelinta mashruucaan beeraha aqaldooggu in uu ku guuleysan doono noloshiisa. Haddaba, si loo la jaanqaado dunida casriga ee habka waxbeerasho, waxaa muhiim ah in la dhuuxo micnaha uu xambaarsanyahay buuggan qiimaha iyo qaayaha leh, laguna camal falo oo laga dhigto marjac ama habraac marka la fulinayo howl kasta oo ku sabsaan beerashada aqaldoogga, hadday ahaan lahayd qalabkiisa, dhismihiisa, dayactirka, habka ka hortagga cayayaanka iyo cudurrada, hababka waraabka ee kala duwan iyo waxsoosaarka guudba.

Waxaan u rejaynayaa akhristaha buuggan in Rabbi kuu fududeeyo howshaan kuguna guuleeyo.

CIISE XAAJI-XUSEEN AXMED waxuu ku barbaaray gobolka Banaadir halkaas oo uu kusoo qaatey waxbarashadii hoose/dhexe, ka dibna dalka dibaddiisa kasii ambaqaaday kuna qaatey aqoon kororsi. Qoraagu waa xeeldheere wax ka bartey beeraha iyo mowduucaan Aqaldoogga. Wuxuu muddo dheer ka soo shaqeeyey wadammada Talyaaniga iyo Iswiidhan. Waa xeeldheere waayo-aragnimo u leh aqaldoogga iyo sida wax loogu beero. Ciise waxuu go'aansadey in uu umadda Soomaaliyeed uga faa'iideeyo aqoontiisa ku saabsan aqaldoogga si uga shaqeystaan una qoray buugga "Aqaldoog-Greenhouse (Looh Press, 2025). Ciise hadda wuxuu degan yahay Iswiidhan.

About The Author

ISBN
LP-3
Weight
5.4 oz
Dimensions
6 × 0.22 × 9 in
Author Name
Ciise Xaaji-Xuseen Axmed
Paperback/Hardcover
Paperback
Publication Date
30/08/2025
Book Language
Somali
Print length
106 pages
0
No reviews yet

Be the first to review this book!

Related Books

Publications
For Authors
Divisions
Information

Looh Press

Reviving Literature. Preserving Heritage.

Scroll to Top