Dawada Nafta
By Dr Ali Mohamed Salah
$24.12
Shipping calculated at checkout.
About the Book
About The Author
DR CALI MAXAMED SAALAX waa aqoonyahan diimeed, waa cilmi baare wax ka qoray culuum kala duwan sida xadiiska, culuum Quraanka, fiqiga iyo is bar-bar dhiga diimaha; (Yuhuudiyada, kristaanka iyo Islaamka) oo uu ka gaarey derajada (professor). Sanadkii 1991-kii, Dr Cali wuxuu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka Xadiiska iyo Diraasaadka Islaamka Jaamacadda Madiina, Sacuudi Carabiya, kadibna wuxuu ka qaatay shahaadada Master-ka cilmiga diinta iyo Diraasaadka Islaamka Maka sanadkii 1994-kii, ka dibna sanadkii 2000 wuxuu ka qaatay Doktoraadka Falsafadda iyo Diimaha Is-barbardhiga ah Jaamacadda Qaranka ee Malaysia. Ugu dambeyntii sanadkii 2020-kii, wuxuu ka qaatay Shahaadada Norwegian center for arbitration and legal services. Buugaagta uu Dr Cali daabacay waxaa ka mid ah kuwa Ingiriiska ah: Qur’aan: Moral Compass of the Believer (Looh Press, 2023); Evil Eye: Reality and Remedy (Looh Press, 2023); The Shield of Islam (Looh Press, 2024); Domestic Peace: Quranic Guidance for Building Healthy Family Bonds (Looh Press, 2024); The Pearls: An Anthology of Lectures on Morality, Spirituality, and Intellectualism (Looh Press, 2024); Jinn & Black Magic: Understanding The Reality & Seeking Remedies in Islamic Theology (Looh Press, 2024); 10 Stories from the Prophet: Reflections & Insights (Looh Press, 2024); The Abrahamic Paradigm: Pluralism, Salvation, and the Challenges of the Contemporary Abrahamic Trialogue (Looh Press, 2024). Kuwa Carabiga ah uu qoray waxaa ka mid ah: al-Takmiilah fii Taxqiiq Axaadiis min Jamcil Fawaaʾid: Qism al-Tafsiir (Looh Press, 2023); al-Islaam wal-Diyaanataanii al-Yahuudiyyah wal-Masiixiyyah: Muqaaranaat fii al-Uṣuul al-ʿCaqadiyyah (Looh Press, 2024). Kuwa Af-Soomaaliga ku qoran waxaa ka mid ah: Tiryaaq: Dawada Shubhada-turjumaad (Yaqiin Press, 2024); Dawada Nafta (Looh Press, 2025); iyo qoraallo kale oo badan. Hadda, Sheekh Dr. Cali Maxamed Salaax wuxuu qayb ka ahaa asaaska machadaka Iqra academy, sidoo kalena wuxuu soo qabtey jagada ah maamulha Iqra Foundation. Wuxuu haatan imaam ka yahey markazka Tawfiiq Islaamic centre.
Be the first to review this book!
Write a Review
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.


Reviews
There are no reviews yet.