❝Buuggan wuxu ku saabsan yahay 10ka khalad ee ugu waawayn ee uu waalidku galo iyo xalkooda. Qoraagu wuxu si faahfaahsan buugga ugu soo gudbinayaa aqoonta iyo xirfadaha aasaaska u ah barbaarinta wanaagsan. Wuxu khalad-saxayaa fahannada khaldan ee barbaarinta innaga haysta sida: korinta iyo barbaarinta, edbinta iyo ciqaabta iyo farqiyada u dhexeeya.
Wuxu tilmaamayaa caqabadaha qarniga 21aad iyo sida habboon ee aan ubadkeenna casrigan u dhex barbaarin karno. Buuggan waa hage muhiim u ah qoyska oo doonaya in uu soo saaro ilmo caafimad qaba iyo carruur mas’uul ah.❞
– Maxamed Cabdulaahi Cartan
Agaasimaha Madbacadda Looh Press


Reviews
There are no reviews yet.